WAR-SAXAAFADEED: Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka hadashay lix kamid ah Shaqaalaheeda oo qarax lala beegsaday

Axad, 28 April, 2024 Muqdisho (SIN) – Lix ka mid ah shaqaalaha Shirkadda ayaa ku naf waayay qarax galabta lagula eegtay deegaanka Garasbaalley ee duleedka Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa miino jidka lagu aasay ayaa lagu qarxiyay gaari ay wateen halwadeennadan, xilli ay ka soo baxeen xarunta Shirkadda ee deegaanka Garasbaalley, ayna ku sii jeedeen xarunteenna deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay ka howlgali jireen.

Alle ha u naxariistee, waxaa qaraxan ku geeriyooday:

  1. Xuseen Macalim Cabdi Weheliye
  2. Maxamed Cabdule Wardheere
  3. Maxamed Axmed Wehliye
  4. Cabdikarim Cusmaan Cabdi
  5. Cabdinasir Axmed Maxamuud
  6. Cabdifitaax Nuurre Cabdi Fiidow

Qaraxan ayaa imaanayaa iyada oo 19-kii bishii la soo dhaafay ee Maarso qarax lagu burburiyay laanta aan ku leennahay xaafadda Daallo ee degmada Howlwadaag. Waxaa jiray qaraxyo kale oo Muqdisho iyo meelo ka baxsan lagula eegtay shaqaalaheenna iyo xarumaheenna, kuwaas oo gaystay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Waxa aan ehellada, asxaabta, shaqaalaha shirkadda, iyo bulshada Soomaaliyeed uga tacsiyeynaynaa geerida shaqaalihii ku naf waayay falkaan gurracan, waxaana Alle uga baryeynaa in uu Janatul Fardowsa ka waraabiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*