Wafdi ka socda Akadamiyadda Booliska Masar oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Akadamiyadda Booliska Dalka Masar, Sareeye Gaas Maxamed Axmed Maxamed (Abu Zahra) iyo saraakiil sare ayaa soo gaaray magaalad Muqdisho.

Ujeedka socdaalka wafdigaan ayaa la xiriira casuumaad uu u fidiyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, Si loo xoojiyo hormarinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Xubnaha wafdiga oo ka koonaa sedex Janaaraal iyo Saraakiil kale ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, Waxaana soo dhaweeyey Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif).

Xubnaha kale ee wafdiga qeybta ka ah ayaa waxaa ka mid Ah Sareeye Guuto Taariq Maxamed Ibraahim (Maxamed Wali) iyo Sareeye Guuto Mohamed Ahmed Asim Zaki Ismail Madax Dugtiga Tabarada Amniga Qaranka Masar.

Sareeye Gaas Maxamed Axmed Maxamed (Abu Zahra) oo hogaaminayay Wafdiga ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo maamuuska sare ee loo sameeyay , Isaga oo sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir adag oo soo jireen ah.

Waxuu xusay in dowladda Masar ay ka go’an tahay sidii ay u kordhin lahayd taageeda hormaniyeed ee Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*