Lix kamid ah Shaqaalaha Shirkadda Hormuud oo qarax ku geeriyooday

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax lala beegsaday gaari ay saarnaayeen howlwadeenno ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom.

Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-baalleey ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhamaan shaqaalihii saarnaa gaariga oo gaaraya illaa iyo 6 ruux isla goobtana uu ku basbeelay gaarigii ay wateen.

Wararka qaar ee la helayo ayaa xaqiijinaya in qaraxu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso taasi oo qabsatay gaariga.

Tirarada Magacyada Shaqaalaha Shirkadda Hormuud ee qaraxa ku geeriyooday ayaa waxay kala yihiin.

1- Maxamed Axmed Gamaxey
2- Xuseen Macalin Cabdi
3- Maxamed Cabdulle Wardheere
4- Cabdikariin Cussmaan Cabdi
5- Cabdinaasir Axmed Maxamud
Qofka lixaad magaciisa lama helin

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, dhanka kale maamulka Shirkadda Hormuudna wali kama hadlin dhacdadan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*