Waa kuma wiilka Soomaaliga ah ee kamid ah Garsoorayaasha koobka qaramada Afrika 2024?

Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan

MOGADISHU – Waxa uu doonayey in uu markii uu yaraa uu noqdo garsoore kubbadda cagta ah, maadaama uu kooxaha ciyaaraya u dhex-dhexaadin jiray xaafaddiisa.

Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa hadda ah garsoore caalami ah, waxaana uu BBC-da u sheegay in uu doonayo in uu noqdo garsoore caalami ah, balse aysan jirin cid qoyskiisa ka tirsan oo isaga uga dayday garsooranimada.

Sanadkii 2014 ayuu Cumar sheegay in uu qaatay tababar dhanka garsoorka ah, uuna noqday garsoorihii afaraad ee heerka saddexaad ee Soomaaliya.

Ciyaartiisii ugu horeysay ee garsoore uu noqday waxa uu dhex dhexaadiye ka ahaa ciyaar ka tirsanayd kooxaha Midnimo iyo Muqdisho ciyaar ka tirsanayd heerka saddexaad. Sannadkii 2016-kii, waxa uu noqday garsooraha heerka koowaad ee Soomaaliya.

“Ciyaartii iigu adkeyd markii aan garsoorenimada ku cusbaa waxay ahayd inaan dhex-dhexaadiyo kooxihii heerka koowaad ee dalka ee kooxaha Heegan iyo Jeeyo oo ka tirsan heerka koowaad ee horyaalka Soomaaliya, runtii way i saamaysay, wax badanna waan ka bartay, waayo anigoo aad u yar ayaa la ii dhiibay rag waaweyn oo ciyaaryahano iyo laba koox oo dalka laga yaqaano oo ah kuwa ugu waaweyn uguna xoogga badan.

Africa Cup of Nations in 2024

Cumar ayaa intaa ku daray in bishii December 2018 uu ka soo muuqday liiska garsoorayaasha loo soo xulay heer caalami.

Ciyaartii ugu horeysay ee caalami ah waxa uu dhex dhexaadiye ka ahaa ciyaar ka dhacday dalka Kenya oo dhexmartay laba kooxood oo ka kala socday Kenya iyo Madagascar.

“Ciyaarihii aan ka dhex-dhexaadiyey horyaalka Soomaaliya iyo kuwa aan ka dhex-dhexaadiyey dibadda waxaa wax badan fududaa kuwa dibadda, waayo waxa ay ahaayeen ciyaaro caalami ah, kooxuhuna waxa ay ilaalinayeen anshaxa, waxaana xusuustaa ciyaartii igu horreysay in aan bixiyay hal jaalle”.

Cumar hadda waa garsoore caalami ah oo u diiwaan gashan xiriirka kubbadda cagta Afrika (CAF) iyo FIFA.

Waxa uu sheegay in dhammaan xiriirada caalamiga ah ee ka jira caalamka ay leeyihiin sharciyo hoos yimaada xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, sidaas darteedna uu ka mid yahay garsoorayaasha ka diiwaan gashan xiriirka kubadda cagta Afrika ee CAF.

Cumar waxa kale oo uu ka qayb galay tababar caalami ah oo lagu baranayay xirfada garsoorayaasha, kaas oo Masar loogu qabtay in ka badan labaatan garsoore oo ka socday qaarada Afrika.

Tartamada ugu waa weyn ee uu garsoore Cumar Cartan soo qabtay waxaa ka mid ah tartamada CAF Under 20 iyo CAF Under 23 ee Afrika.

Cartan waxa uu sidoo kale garsoore ka ahaa ciyaartii finalka ee CAF ee 23 ka sano ee sanadkan ka dhacday Morocco oo u dhaxeysay Masar iyo Morocco. Sidoo kale, Cumar waxa uu garsoore ka ahaa ciyaarihii Champions League ee qaaradda Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*